The opinions contained in this Forum are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of GARREONLINE.COM

HADDII AADAN XISHOONAYN WAXAAD RABTO SHEEEG.

      Wasiirka Hantida Qaranka, Maxmuud Sayid Aadan :- oo ku riyooday in Garre ay ka mas’uul yihiin Kooxda Dooxada(Dooxatada) Jubba , oo ka ammar ku taaglaysa Gobollada Kedi(Gedo) iyo Jubbooyinka ,taasoo uu ku sheegay waraysi ay la yeelatay “Allgedonet” Taatiikrdu markay ahayd Augoust 29.2005.

     Wareysi ay siidaysay“Allgedonet”oo ku saabsanaa Colaadda ka aloosan DegCeelwaaq, markii wax laga weydiyey,  Maxmuud Sayid Adan Wuxuu yiri:-   ARRINTA CEELWAAQ WAXAAN KALA XAAJOONAY DOWLADDA KEENYA, OO AAN BIREESHAR  KU SAARNAY  INAY NOO SOO CELISO  SHACABKEENNA  OO DHINACOODA U QAXAY(GARRE) MAADAAMA RAGGA MARRIXAAN EE LABADA GOLE KU JIRA  AY  MAS’UUL KA YIHIIN LABADA SHACAB GARRE IYO MARRIXAAN.

        Waxaa haddaba wax lala yaabo ah; goormaa Xildhibaannada Marrixaan  loo caleemo saaray inay wakiil ka yihiin  Qowmiyadda Digil iyo Mirifle ama garre?  Gobolka Kedi(gedo) Waxaa ku dhaqan QDM,oo leh gobolkaas , waxaana kula nool qowmiyado kale oo soomaliyeed ee uu marrixaanku ka mid yahay, Kacaanka ka horna la ogyahay qaabka wada noolaanshaha Bulshada ee Gobolkaas.

     Waxaa kaloo yaabka yaabkiisa ah,in marrixaanku marka ay ka hadlayaan arrimaha qooskooda sida dagaallada u dhaxeeya gudahooda, ay yiraahdaan “ Beelaha Gobolka Kedi (Gedo) ayaa ku heshiyey nabadeenta gobolka Gobolka Kedi(Gedo), sida ka muuqata wareysiga “AllGedonet” ay la yeelatay Maxmuud Sayid adan.

    Waxaad mooddaa in marrixaanku uu gaar isusiinayo Gobolka kor ku xusan guud ahaantiis Marka laga eego dhinacyada; Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadaba, oo ay wakiil ka yihiin Dadyowga (Qowmiyadaha) kale oo dhan.

     Waxaa haddaba wax lagu qoslo ah; in nin sheeganaya inuu yahay Wasiir ka tirsan labada Gole ee Dowladda FKGK ah, uu fahmi waayo “Xeerka Fadraaliga ee qowmiyadaha Soomaaliyeed ay ku Xeerbeegteen Gebagebadii shirka dibuheshiisiinta Qabqableyaasha kooxaha ee Dalka keenya ka socday 2da sano ahayd oo ummadda soomaaliyeedna loo Kala habeeyey Qowmiyado ka kooban afar&bar (4.5) Waaxood oo kala ah:-

          1.     Qowliyqadda, Digil & Mirifle.

2.     Qowmiyadda, Direed.

3.     Qowmiyadda, Hawiye.

4.     Qowmiyadda, Daarood.

5.     Iyo Others.                                                                             

 

         Haddaba Maxmuud Sayid Aadan Markuu leeyahay, annagaa ka mas’uul ah arrinta Garre, waxaa isweydiin leh ‘ mawaxuusan aqoonsanay Nidaamka Fidraaliga ah mise wuxuu weli ku adkeysanayaa inuu ku dhegganaado Nidaamkii 15ka sano ka hor lagu kala guuray ee burburay oo ka dhiqmi la’ maskaxdiisa oo weli ku riyoonaya.

         Anigu waxaan isleeyahay wuxuu kala garan la’yahay:- Qabiil iyo Qowmiyad ama qaran, waxay kala yihiin. Sidaas oo kale ma oga xilka uu sheeganayo cidduu u hayo iyo mudnaanta uu leeyahy toona, maxaa yeelay haddii uu garan lahaa muhimmada xilkaas uu leeyahay,kuma soo duuleen Ceelwaaq isagoo wasiir sheeganaya,haddana kuma andacoodeen Garre ayaan Mas’uul ka ahay,waxaa hadalkan ka muuqda soo xishood la’aan ma aha? Haddaba  xaalku wuxuu noqonayaa:- Mar haddii aadan xishoonayn waxaad rabto sheeg.

      Haddii aan xaaladda Garre iyo Marrixaanka ku laabto,ma dhici karto in qof siyaasi ah ee u dhashay Marrixaan awood siyaasadeed u sheegto Garre,sidaas oo kale, Suurta gal ma aha inuu Kacaanku dib ugu soo laba kacleeyo Gobollada Koonfureed oo ay haatan ka ammar ku taagleeyaan Dooxatada Jubba, haseyeeshee waxay kooxdani soo waddo kuna howlan tahay, Wax la dhayalsan karo ma aha, siiba Qowmiyadda Digil&mirfle waa inay foojignaadaan si ay uga hortagaan dibindaabyada ay soo daadihinayaan Dooxada (Dooxatada) Jubba.

       Hadalka Maxmuud sayid; waxaan u qaadanaynaa “AFLAGAADDO”ka soo yeedhay Nimaan ognahay inuusan aqoon buuxda u lahayn Gobolllada; Jubbada hoose, dhaxe iyo Kedi(Gedo) Dadyowga ku nool, una eg “Ubaxa Kacaanka” oo marin habaabsan,cawaaqib xumana u yeelan doonto mustaqbalkiisa waxyaabaha uu ku hadlay haddii uusan is daba qaban, oo uusan ka waantoobin qaabka uu ku dhaqmayo oo burcadnimnada iyo Dalballaarsiga Ku salaysan, Garruhuna idiin ma aqoonsana Derejooyinka aad sheeganaysaan maamada aad tihiin samadiidyaal ku sifoobay xasuuqa dad aan waxba galabsan.

        Aflagaaddooyinka ka soo yeera Dhqarqabeyaasha Dooxada(Dooxatada)Jubba, inta uu socday Dagaalka Garre iyo Marrixaanka u dhaxeeyey ee Deg.Ceelwaaq way tiro badan yihiin, waxaana ka soo qaadanaynaa qodobbadan  hoos ku qoran:-

          1.     Garre; Xildhibannada Marrixaan ayaa ka mas’uul ah; Maxmuud sayid  ayaa yiri.

2.     Garre; waa shisheeye (Oromo), Yuusufr kaani; Ayaa yiri sidaas.

3.     Deegaanka Garre Guud ahaantiis laga billaabo webiga jubba ilaa wajeer iyo mooyaale  waxaa ka talin jiray Ugaas Xersi Alle ha u naxto ee garre Gobolka Kedi(Gedo), waxba kuma laha, xadka Soomaaliya& Keenya u dhaxeeya ayaana    Garre iyo Marrixaan xad u ah; waxaa yiri sidaas Garyare.

4.     Nabad ha ka yeelina Garre anigaa ku ballanqaaday inaan Mooyale ku celiyo Garre, inta  soo hadhana taladooda marrixaanka gedo ayaan gacanta u gelin doona; Barre Huuraale ayaa ka yiri hadalkaan isagoo shir jaraa’id ee uu ku qabtay Kismaanyo kaga dhawaaqay, kuna soo duulay Ceelwaaq.

         5.     Dowladda Keenya ayaan kala xaajoonnay arrinta  Garre ee Ceelwaaq, annagoo ka mas’uul ah Garre, isagoo inkiray inuu garre Labada Gole ee Dawladda FKGK, ku leeyahay Xildhibaanno iyo Wasiirro; waxaa yiri hadkan Maxmuud Sayid Aadan.

                Haddaba arrimaha noocan ah iyo kuwa kaleba waxay xannibaad ku noqonayaan sidii xal waara looga gaari lahaa  Guud ahaan Arrimaha Gobolka Kedi(Gedo),gaar ahaan arrinta Garre iyo Marrixaanka u dhexaysa ee Deg.Ceelwaaqna, kala fogaansho ayey u keeni doontaa mustaqbalka. Cawaaqib xummada ka dhalan doonta arrintaanna waxaa dhabarka u ridan doonaa kuwa la magac baxay Dooxada(Dooxatada) Jubba iyo inta u dheganugul oo taabacsan taladooda.  

       waxaan hadalka ku soo koobayaa;  hadallada Deelqaafka ah ee mar walba ka soo yeera :Dhagarqabeyaasha: ku caanbaxday Dulmiga iyo Dalballaarsiga ee u dhashay Marrixaanka inay yihiin; kuwo kordhinaya Jawi isnacayb, kala Fogaasho iyo Codowtinimo inay  ku soo badato  mustaqbalka fog Gobolka Kedi (Gedo) oo  innaba wax wanaag ah ka iman doonnin inta kooxdan kor ku xusan ay ka ammar kutaaglaynayaan Gobollada aan soo sheegnay.      

       Gunaanadka hadalkuna waxaa weeye;Qoysatayee wasiirow(Maxmud) yaa kuu xiiri? Hanqaltaagga iyo damacaaguna wuxuu ku dhamaan doonaa meesha uu ku dhammaaday  Kacaakii kugu hanqarshay, wax walba Marrixaan baa leh. Hana ku daalin inaad Garre Ceelwaaq sidaas fudud waxaad rabto kaga gungaadho ee faraha kala baxa arrinta Ceelwaaq adiga iyo Shesheeyaha aad daba ku wadataanba, “Ceelwaaqna” Rab ama harabin Garraa is ka leh” isagaana u danbayn doona.

                                                                                                    

                QORE: Goobbe.    URURKA MIDNIMADA UMMADDA GARRE.(UMUG).