The opinions contained in this Forum are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of GARREONLINE.COM

 arka idebdarada indhacade meel ay gaartay Qore: maxamud

Maleeshiyada Yuusuf Indhacade ayaa dhamaan Ceelashii degmooyinka Qoryooley iyo farsooley oo ka tirsan gobolka Sh/hoose xabaalay, kadib markii ay dad degmooyinkaa u dhashay ay gadoodeen, Biyo la'aan darana ay ka jirto dhacday oo ay dad iyo xoolo farabadan ku nafwaayeen, qax aad u farabana uu kalkaa ka bilowday. 

Biyo la’aantaan saameynta ku yeelatay dadka iyo duunyada la dhaqdo degaankaasi ayaa waxa ay sababtay in ay isaga guuraan qoysas fara badan degaanka Goryooley iyo Farsooleey, iyagoo u si guuraya degaano kale oo ku dhow dhow degaankaasi oo aanan ceelashoodi la xabaalin Qiimaha la kala siisto halkii barmiil oo biyaha la cabo ah ayaa la sheegay in uu gaarayo ilaa 60 kun oo sh.som sida ay xaqiijiyeen dad degaanka Farsooleey ka soo qaxay. 

Degaanada Qoryooley iyo nawaaxigeeda ayaa in mudo ahba waxaa ka jiray dhaq dhaqaaqyo ay wadeen jabhada xoreynta Digil ,ayna ku doonayaan sida ay degaanadooda kaga xoreyn lahaayeen waxa ay ku tilmaameen gumaysiga Madoow ee uu hogaamiyo Yuusuf Indhacade. runtii waa arin layaab ah hadii ay jerto arintaan