Labo Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka oo xalay la dhaawacay, kadib markii kooxo burcad oo jidgooyo dhigatay ay rasaaseeyay, xilli ay ku sii jeedaan Gobolka Gedo.

Muqdisho, 20-Sept-2007@[Buurhakaba Media]    Laba mudane oo ka tirsan Golaha Baarlamanka Somaliya ayaa xalay lagu dhaawacay deegaan kamid ah gobolka Gedo xilli ay kusii jeedeen caasimadda gobolkaasi iyadoona dhaawaca xildhibaanadaasi uu ka danbeeyay kooxo hubeysan oo wadada u galay.

Mudanayaasha oo lagu kala magacaabayay Xasan Deer iyo Ibraahim Jareere ayaa la sheegay in ay kasoo tageen dhinaca magaalada Baydhabo isla markaana ay kuso jeedeen magaalada Garbahaarey oo ay kaga qeybgalayeen maamul u dhisidda gobolka Gedo.

Sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Balad Xaawo xildhibaanada xaaladooda ayaa iska wanaagsan inkastoo la sheegayo mi kamid ah xaaladiisa in ay ka liidato midka kale isla markaana la waayay gaari uu lahaa.

Ciidamo aad u fara badan oo kamid ah Booliska gobolkasi Gedo ayaa gaaray goobta falku ka dhacay oo ku talla deegaan lagu magacaabo Qeyd oo qiyaastii dhowr iyo 10 km u jira magaalada Garbahaarey oo dhaawaca xildhibaanada iminka lagula tacaalayo.

Abdiaziz Hassan Mohamed (Golf)
Buurhakaba Media: Muqdisho Office, Somalia

         Hit Counter