Dowladda KMG ah oo maamul u sameysay gobolka Sh/hoose
Click here to find shabelle news in english
Mogadishu 25, May.07 ( Sh.M.Network) Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa maanta maamul cusub u magacowday gobolka Sh/hoose, iyadoo xafladda magacaabista ay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaan oo ka dhacday Hotel Lafweyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mas'uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda KMG ah ee Somalia iyo madax ka socota maamulka gobolka.

Qoraal uu ku saxiixan yahay Ra'isulwasaaraha xukuumadda Somalia oo ay ku qornaayeen magacyada gudoomiyaha gobolkaasi iyo K/xigeenadooda ayaa waxaa saxaafadda u aqriyay wasiiru dowlaha arimaha gudaha dowladda KMG ah Max'uud Sayid Aadan.

1. Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose: Dr. C/qaadir Sheekh Max'ed Nuur
2. K/xigeen dhinaca siyaadada: C/laahi Muuse Abuukar.
3. K/xigeenka labaad: Max'ed Ibraahim Xuseen.
4.Arimaha bulshada: C/laahi Cabdi Cumar.
5. Xoghayaha gobolka: Sheikh Sayid Sheikh Abbe.
6.Taliyaha booliska gobolka: G/sare Aadan Xasan Cali.
6.Taliyaha nabadsugidda gobolka: G/le Xasan Ibraahim Aden.
7.Taliyaha ciidanka asluubta: G/le Max'ed Cali Maalin.
8.Taliye K/xigeenka Asluubta: Dhamme Cabdi Nuur Sheikh Max'ed.

Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose oo hadal kooban siiyay suxufiyiinta magacaabistiisa ka dib uu sheegay in uu wax weyn ka qaban doono dhinacyada bulshada iyo amaanka gobolkaasi, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in loo magacaabo gobolkaasi.

Magacaabista gudoomiyaha gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli amaanka gobolkaasi uu sii xumaanayay maalmihii la soo dhaafay

Source:Shabelle

         Hit Counter